Ayaan Hirsi oo reerkeeda iyo Soomaalida af lagaadeysay, May 09


boramanews.com



Ayaan Hirsi Ali, waxay qortay buug la magac baxay Nomad. Sida caadada u noqotay Ayaan, buugan waxaa lagu af lagaadeynayaa diinta Islaamka iyo dadka muslimiinta ah. Waxaa gaar ahaan lagu liidayaa laguna af lagaadeynayaa diinta, dhaqanka iyo dadnimada Soomaalida.
Waxaa iga yaabiyey oo iga nixiyay sida anshax xumada ah, naxariisdarada ah ee ay uga sheekeysay qaar ka mid ah reerkeeda. Waxay ku bilaawday, oo ay sheegtay in uu aabaheed xanuunsanaa. In uu xanuunsanyahay waxay ogaatey 2008-kii. Waqtigaa wuxuu ku jiray isbitaal ku yaala Ingiriiska. Waxay tiri, “waxaan rabay in aan isbitaalka ku booqdo aabahay, laakiin ma’aanan rabin in aan walaashey u sheego in aan imanayo. Waan ku aamini waayey xogtaas.” Marka ay walaasheed ka hadleysay oo la yiraahdo Sahra, waxay aqristayaasha u cadeyneysay in aysan ku hooyo ahayn. Mana aha dhaqan lagu yaqaano Soomaalida.
Markii ay isbitaalka tagtay, waxay sheegtay in ay halkaa ku aragtay walaalaheed iyo ilma-adeeradeed. Waxay ku sheegtay in ay ahaayeen dad baa ba’san. Waxay tiri “mid aids ayuu qabay, midna maxkamad ayaa u socotay, waxaana lagu haystaa in ay dili lahayd ninkeeda, midna lacagta uu helo wuxuu u diraa qabiilka.” Guud ahaan Soomaalida ayay ku sheegtay in ay yihiin dad daacad u ah qabiilkooda iyo Ilaahooda. Aysana jirin wax kale oo ay galaan.
Waxay tiri “waxaan iska dhaadhicinayaa in aysan reerkeyga dhibaato ila rabin, inkastoo aan dhibaato iyo ceeb usoo jiido markaan hadlo, laakiin waxaa dhibaatada ila rabo oo ku faraxsan dilkeyga waa qabiilka aan ka dhashay.”
Waxay kaloo tiri “inta badan waxaa la i weydiiyaa ilaalada badan ee aan wato. Sidee dareentaa ayaa la igu yiraahdaa. Wax sahlan ma’aha in aad u baqato naftaada, oo marwalba lagu ilaaliyo, laakiin aniga waxaan u arkaa, koow nafteyda ayay ilaaliyaan, labo waa ka fiican tahay nolosha aan jal abiibka wadan lahaa."