Marka aad akhriso cutubkaan waxaad fahmi doontaa mawduucyadaan soo-socda:
- Ganacsiga Is-kaashato, faa’iidadiisa iyo faa’iido-darradiisa.
- Heshiiska is-kaashatada ganacsi dhex mara.
- Xuquuqda iyo waajibaadka Is-kaashatada ganacsi.
- Faraqa u dhexeeya bur-burka heshiiska Is-kaashatada ganacsi iyo bur-burka ganacsigooda.
GANACSI IS-KAASHATO
Ganacsi Is-kaashato waa ganacsi ay ku dan-wadaagaan labo ama in ka badan oo dad ah, oo gala heshiis qoraal ah ama mid hadal ah, ujeeddadooduna tahay in ay ganacsadaan si ay u helaan faa’iido. Ganacsiga Is-kaashato wuxuu ugu yaraan ka bilaamaa labo (2) qof, ugu badnaana waxay ku xiran tahay hadba dal kasta qaanuunka uga daggan tirada ugu sarreysa ee Is-kaashatada.
Tusaale, waddanka Pakistan, Is-kaashatadu kama badnaan karto taban (10) qof, haddii ay ku dan-wadaagaan ganacsi Bangi, haddii-se Is-kaashatadu ku dan-wadaagto ganacsi aan Bangi ahayn tiradoodu kama badnaan karto labaatan (20) qof. Waddanka Soomaaliya, ganacsi ahaan way ka jirtaa Is-kaashatooyin fara badan oo dan-wadaag ku ah ganacsiyo kala duwan, laakiin qaanuun ahaan ma jiro imminka xeer qeexaya tirada ugu badan ee Is-kaashato oo ganacsi ku dan-wadaagi karta.
Ganacsiga Is-kaashato waa midka labaad ee qaab-urureedyada ganacsi. Wuxuu ka ballaaran yahay, ka hanti badan yahay, kana shaqaale badan yahay ganacsiga halka qof (Sole Proprietorship) leeyahay. Wuxuu dhanka kale ka yar yahay; ballac ahaan, hanti ahaan iyo shaqaale ahaanba shirkadda Saamileeyda (Joint Stock Company). Kolka ganacsiga Is-kaashato waa meel dhaxaad kaasoo ka weyn dhan walbaba ganacsiga halka qof leeyahay kana yar dhan walbaba ganacsiga shirkadda Saamileey.
ARRIMAHA ASAASIGA U AH GANACSI IS-KAASHATO
- Ugu yaraan waa in ay ganacsiga ku dan-wadaagaan laba qof.
- Waa in ay Is-kaashatadu gashaa heshiis Af ah ama mid Qoraal ah.
- Waa in uu yahay ganacsi waxa lagu shuraakoobay.
- Waa in uu ganacsigu yahay mid faa’diido in laga helo loo abuurey.
Kh)Waa in ay jirtaa is aamin ka dhexeeya Is-kaashatada si uu mid walba mid kale wakiil uga noqdo oo, mid walba hawlaha ganacsiga wadi karo isagoo wakiil ka ah kuwa kale.
FAA’IIDOOYINKA GANACSIGA IS-KAASHATO
Ganacsiga Is-kaashatadu wuxuu leeyahay faa’iidooyinkaan soo-socda:
Si fudud ayaa loo asaasi karaa
Ganacsiga Is-kaashato, sida kan halka qof leeyahay oo kale, si fudud ayaa loo asaasi karaa. Ma jirto shuruuc iyo qawaaniin adag oo ka baxsan Is-kaashatada oo ku lug leh asaaska ganacsigooda. Kaliya wuxuu ku xiran yahay iyagoo isu-yimaada, heshiis gala, deetana ganacsiga bilaaba.
Waxaa lagu bilaabaa raasummaal badan
Raasummaalka ay Is-kaashatadu ku bilaabaan ganacsigooda aad ayuu uga badan yahay kan lagu bilaabo ganacsiga uu halka qof leeyahay. Raasummaalku wuxuu bataa mar kasta oo ay badato Is-kaashatadu, dhanka kale, raasummaalka ganacsiga hal qofi leeyahay wuxuu ku kooban yahay hal qof.
Talo iyo xifad isku xiran
Soomaalidu waxay tiraahdaa; “Is-kaashato ma kufto”. Waxay kaloo tiraahdaa “Gacmo wadajir bay wax ku gooyaan”. Waa run, sababta oo ah, qof walba oo Is-kaashatada ka mid ah wuxuu leeyahay; xirfad, waayo-aragnimo, awood iyo aqoon u gaara. Wuxuuna qof walba oo ka mid ah Is-kaashatada maankiisa ku biiriyaa horumarinta ganacsigaas, taasoo suurta galin karta in uu ganacsigaas gaaro liibaan waarta. Faa’iidadaas way ka maqantahay ganacsiga halka qof leeyahay.
Wuxuu soo jiitaa deyn-bixiye-yaasha
Ganacsiga Is-kaashatadu wuxuu aad u soo jiitaa haayadaha deynta bixiya, sababta oo ah, haayadaha deynta bixiya haddii lacagta ay ku leeyihiin Is-kaashatada ka badato hantida ganacsiga ugu jirta, waxay deyn-tooda ka magtaan hantida gaark ah uu u leeyahay mid waliba oo Is-kaashatada ka mid ah. Sidaas darteed haayadaha deynta bixiya wal-wal kama qabaan helitaanka deyn-tooda.
Ku biirinta shaqalaha xirfadda leh Is-kaashatada
Haddii mid ka mid ah shaqaalaha ka shaqeeya shirkadda Is-kaashatada loo arko in uu yahay shaqaale aqoon, xirfad iyo hawl-karnimo badan oo socod-siinta shirkadda kaalin libaax ka qaata, waxaa loo dallacsiiyaa in uu ka mid noqdo Is-kaashatada, isagoon wax raasummaal ah ku darsan, si uusan meel kale u aadin.
Si fudud ayaa lagu baabi’in karaa
Ganasiga Is-kaashatada waxaa sahala in la bur-buriyo ama la joojiyo, sababta oo ah, uma baahna joojintiisu shuruuc iyo qawaaniin adag. Kaliya waxay ku xiran tahay joojintiisu Is-kaashatada oo ku heshiisa in ay joojiyaan, laakiin shirkadda saamileeyda in la joojiyo ama la baabi’iyo aad ayey u adag tahay, waxaana ku baxa joojinteeda waqti iyo lacag.
CUDUR-DAAR
Waxaan Akhriste-yaasha sharafta leh uga cudur-daaranayaa dib-u-dhaca ku yimid casharradii Barashada Ganacsiga ee aad sida tooska ah halkaan ugala socon jirteen, anigoo rajaynaya, in hadda wixii ka dambeeya aan idinkugu soo gudbin doono si talan-taalli ah asbuuc walba, haddii Alle Qadaro.
CASHARKA IYO SETIMAANKA DAMBE
Waxaad Setimaanka dambe la socon doontaan Qaybo kale oo ka mid ah Cutubkaan oo shaarraxaya; faa’iido-darrada Is-kaashatada ganacsi, Heshiiska is-kaashatada ganacsi dhex mara iyo Xuquuqda Is-kaashatada ganacs..
ILAHA XOG-URURINTA
- A practical Introduction to Business By: Koontz and Fulmer
- Accounting- The basis for business decisions By: Meigs, Williams, Haka & Buttner.
- Business Research Methods By: Emory.
- An Integrated Approach to Business Studies By: Bruce R. Jewell
- Business Accounting By: Frank Wood & Alan Sangster.
- Business Law By: Ronald A. Anderson.
- Financial Management of the Small Firms By: Walker W. Pitty.
- Principles of Commerce and New Management By: M. A. Khalid.
Strategic Management – Concepts and Cases By: Fred R. David. - The Business – Problems and Solutions By: Skatler.